Musharaxiinta oo la kulmay Guddi isku xilsaaray xalinta caqabadaha ka jira Doorashada 2020/21

Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Guddi isu xilqaamay xal u helida caqabadaha jira ee guddiga doorashooyinka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlay tabashada Musharaxiinta ee doorashada 2020/2021 iyo waxa hor taagan in doorasho loo dhan yahay ay dalka ka dhacdo.

Musharaxiinta ayaa Guddiga isku xilsaaray xal u helida caqabadaha jira ee Guddiga doorashooyinka ee la magacaabay u gudbiyay tabashadooda ku aadan Guddiyada la magacaabay oo muran xoogan uu xiligaan ka taagan yahay.

Sidoo kale Guddigaan ayaa kulan ka sheegay in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho loo dhan yahay si dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga badbaadiyo dib u dhac iyo qalalaaso siyaasaddeed oo dalka ka dhaca.

Guddigaan isu xilqaamay xal u helida caqabadaha jira ee guddiga doorashooyinka ayaa ka isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Ururka Haweenka Qaranka, Baarlamaanka Dhallinyarada da’da yar iyo Odayaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media