Musharaxiinta oo ka xumaaday Dowlad taageero u muujisay Guddiyada lagu muransan yahay

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya uu ka qaatay Guddoomiyaha Guddiyada lagu muaran yahay ee doorashooyinka heer Federaalka.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin taageerada iyo boggaadinta Turkiga u muujiyay Guddiga doorashada ay magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo siweyn uga soo horjeedan Musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, isla markaana masaafo simman u jirsado Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Musharaxiinta kale.

Ugu dambeyn Qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa loogu mahadceliyay taageerada joogtada ee dowladda Turkiga la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka Turkiga Mehmet Yilmaz ayaa shalay Xarunta Safaaradda Turkey ee Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta Madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media