Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo shir Deg-deg ah Maanta yeelanaya

Waxaa Maanta oo Axad ah la filayaa in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshaan Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, xili halkaas ay shir maalmo socday ugu qabsoomay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulan Maanta ee Musharaxiinta looga hadlo doono xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay tan iyo khamiistii lasoo dhaafay markii uu soo dhammaaday shirkii shanta maalmood u socday.

Sidoo kale Musharaxiinta qaarkood ayaa waxaa kulanka inta uu socdo looga dhageysan doonaa warbixin ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka oo u muuqata mid sii galeyso marxalad adeg, sida la sheegay.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa War-murtiyeedkii ay shirkoodii kasoo saareen waxaa ay ku dalbadeen in la kala diro Guddiyada doorashooyinka ee uu muranka xoogan ka taagan, siweyna ay uga soo horjeedan.

Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay qorsheynayaan dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay ka sameeyaan Muqdisho sida bannaan baxyo iyo shirar ballaaran oo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Guddiyada ayey ku tilmaameen Musharaxiinta inay ku jiraan xubno ka titsam Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, sidoo kalena ay kamid yihiin shaqaalaha dowladda, ayna doonayaan in la bedelo.

Shirkoodii kadib Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Musharaxiinta ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay soo adeegsadeen dalal shisheeye, sheegayna in tallaabo laga qaadi doon, isagoo u soo daliishaday Aayado Qur’aaan oo kusoo degay munaafiqiinta uu Alle amray in munaafiqiinta la dilayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media