Musharaxiinta Madaxweynaha oo Ololihii ugu dambeeyay ka wada Magaalada Muqdisho

Waxaa xalay illaa saaka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarumaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha ka socday ololihii ugu dambeeyay uguna adkaa ee doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya oo Maanta oo Axad ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waday ololihii ugu adkaa ee doorashada, waxaana Musharaxiinta ay kulamo siyaasadeed oo saacado qaatay ay la yeelanayeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo tagayay Xarumaha ay socdeen ololaha doorashada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Musharaxiinta ay ololaha doorashada ku bixinayaan lacago farabadan oo la siinayo Xildhibaanada, halka qaarkood ay ballan qaadyo lacageed ay Xildhibaanada u sameynayaan, iyadoona Xildhibaanada lagu arkayay guryaha Musharaxiinta iyo Xarumaha kale ay ka socdaan ololaha ugu adeg.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka oo ka kooban 329 Xildhibaan ayaa u coddeyn doona Musharaxiinta ku tartamaya xilka Madaxweynaha, isla markaana dooran doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee afarta sanno ee socota hoggaamin doona dalka Soomaaliya.

Musharaxiinta ugu saameynta badan ee doorashada ku jira ayaa waxaa kamid ah Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sh Axmed, Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Musharax Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si toos ah saacadaha soo socda ee Maanta toos uga bilaabaneysa Xarunta Teendhada ee Magaalada Muqdisho, waxaana doorashada Madaxweynaha ku loolamaya 37 Musharax.

Ammaanka Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana amniga lagu wareejiyay Ciidanka ATMIS oo kaashanaya kuwa Booliska dowladda oo ku shaqeyn doona amarada Guddiga doorashada iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor