Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Midowga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta shir xasaasi ah ku yeelan doona Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho, xili maalmihii lasoo dhaafay ay yeelanayeen shirar kala duwan.

Shirkaan ayaa intii uu socdo waxaa ay Musharaxiinta uga hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka iyo Arrimo kale oo qorsheysan, waxaana Musharaxiinta ay iska dhageysan doonaan warbixino kala duwan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo helnay ayaa sheegaya in suura-gal ay tahay in shirka Maanta ee Musharaxiinta Madaxweynaha laga soo saaro Go’aano Cusub oo ku aadan xaaladda dalka iyo Doorashooyinka dhacaya dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Shirkaan ayaa waxaa ku soo aadaya, iyada oo shalay Madaxda Beesha Caalamka ee ka qeyb gashay shirkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay sheegeen in muhiim ay tahay in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Madaxda Beesha Caalamka ayaa dhammaantood isku raacay in la fuliyo heshiiskii Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen Doorashada dalka bishii November ee sanadkaan.

Musharaxiinta ayaa maalmo kahor magacaabay Guddiga badbaadinta Doorashooyinka Qaranka, waxaan Musharaxiinta ay eedeymo iyo Digniino u direen Madaxda dowladda Federaalka oo ay sheegeen in aysan dooneyn in dalka ay ka dhacdo Doorasho xor ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media