Gelinkii dambe ee Maanta oo tallaado ayaa waxaa la filayaa in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay kulan la yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya kahor inta aan lasoo xirin Shirweynaha u socda.
Shirkaan Musharaxiinta iyo Beeshs Caalamka ayaa sida uu qorshahu yahay ku qabsoomi doona aada fogaan araga ee loo yaqaano ZOOM-ka, iyagoona kala hadli doona Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay Beesha Caalamka u gudbin doonaan cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer maamul Goboleed ee dhawaan la magacaabay.
Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Maanta kulan gaar ha la qaadan doona Ganacsatada oo qeyb ka ah kulamadii caadiga ahaa ee ay la yeelanayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Intaas kadib Shirka Musharaxiinta oo ayaa lasoo gaba-geyn doonaa Maanta oo tallaado ah, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay sameeysan doonaan Golle mid ah.