Musharaxiinta Madaxweynaha oo Maanta kulan ku leh Muqdisho

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in kulan xasaasi ah ay ku yeeshaan, kaasi oo furmaya sida uu qorshahu yahay saacad kadib.

Kulanka oo dhacaya Hotelka Jaziira ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashada dalka ka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Sidoo kale inta uu socdo kulanka Musharaxiinta ayaa waxaa warbixino kala duwan looga dhageysan doonaa xubnaha ka qeyb galaya, iyagoona diirada saari doona sidii loo sii wadi lahaa dadaalka lagu doonayo qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah.

Markii uu kulankaas soo dhammaado ayaa waxaa la filayaa in warbaahinta uu faah faahin ka siiyo qodobada Musharaxiinta ay ka hadleen Afhayeenka Midowgaas Ridwaan Xirsi Maxamed.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhowr jeer eedeymo kala duwan u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay sheegeen in uusan diyaar u aheyn qabashada doorasho loo dhan yahay, hayeeshee taas aysan aqbali doonin.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale kasoo horjeeda Guddiyada la magacaabay ee doorashada, isla markaana xiligaan uu ka taagan yahay muran xoogan, waxaana sidoo kale Guddiyada diidan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media