Musharaxiinta Madaxweynaha oo Codsi u gudbiyay Urrurada Bulshada Rayidka

Golaha Midowga Musharixiinta u taagan qabashada Madaxweynaha ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Cismaan Tahliil Shaatax.

Musharaxiinta iyo Urrurada Bulshada Rayidka ayaa ka wadab hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan qabashada caqabadaha weli ku hor gudban doorashada ka dhaceysa iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay in hoggaanka Urrurada Bulshada ay Musharixiinta ka codsadeen in ay dhex dhexaadin ka sameeyaan caqabadaha arimaha doorashooyika ee taagan.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan doorka dhex dhexaadint Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ka qaadanayaan sidii xalin lahaa caqabadaha heysta doorashada.

Guddoomiye Tahliil Shaatax ayaa sheegay in kulankan uu bilow u yahay dhex dhexaadin ay ka galayaan caqabaha jira iyo arrimaha lagu muransan yahay ee Guddiga doorashooyinka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Cismaan Tahliil Shaatax ayaa caddeeyay in ay la kulmi doonaan Madaxda ugu sarreysa ee dowladda Federaalka, si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media