Musharaxiinta iyo Xildhibaanada Federaalka ee Somaliland oo kulan u socda

Midowga Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa uu kulan xasaasi ah uga socdaa Magaalad Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tabashooyinka ay Xildhibaanada ka qabaan Guddiyada Doorashooyinka ee la magacaabay.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay ku dhageysan doonaan tabashooyinka la xiriira Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ay qeybtooda ka muujinayaan siyaasiyiinta Gobolada waqooyi.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isla markaana ku sugan Magaalada Muqdisho, iyagoona siweyn uga soo horjeeda Guddiyada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee dowladda magacaawday.

Kulanka haatan u socda Musharaxiinta iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu kamid yahay kulamada joogtada ah ee Midowga Musharixiinta uga arinsanayaan caqabadaha ku hor gudban doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee la magacaabay, waxaana xusid mudan in Musharaxiinta Madaxweynaha ay dhankooda magacaabeen Guddiga badbaadinta ee doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media