Musharaxiinta Galmudug oo ka horyimid Guddigii Farsamada ee la Magacaabay

Qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka horyimid Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug oo dhawaan Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay ka soo baxay Musharaxiinta kala ah Kamaal Daahir Xasan Guutaale iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa waxaa lagu sheegay in hanaanka loo maray Magacaabista Guddiga dhismaha Galmudug uu  baalmarsan yahay Dastuurka Galmudug iyo Shuruucda dalka iyo Nidaamka Federaalka.

Sidoo kale Warka Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in ku dhawaad kala bar Guddiga dhismaha Galmudug ay ka tirsan yihiin Shaqaalaha Rayidka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xafiisyada Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Golaha Shacabka iyo Xafiisyo kale oo ka tirsan dowladda.

Si kastaba dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Soomaaliya ayaa  Magacaabay Guddiga Farsamada maamul dhisida Galmudug,kuwasi oo ka kooban 13 xubnood.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media