Musharax Daahir Geelle oo isaga haray tartanka Doorashada xilka Madaxweynaha

Musharax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa Goor dhow oo galabta ah ku dhawaaqay inuu isaga haray u tartanka doorashada xilka Madaxweynaha dowladda Federaalka oo berri dhaceysa.

Qoraal uu soo saaray Daahir Geelle ayuu ku sheegay inuu isaga haray tartanka doorashada Madaxweynaha, isla markaana waxaa uu u mahadceliyay taageerayaashiisa ka qeyb ahaa ololaha uu ugu jiray tartanka doorashada xilka Madaxweynaha dalka.

Daahir Geelle ayaa tilmaamay inuu sii wadi doono dadaallada uu ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee sida dhow u garab istaagay muddadii uu ololaha ku jiray.

“Waxaan marka hore u mahadnaqayaa Alle, marka xigana kooxda iyo taageerayaasha olohayga murashaxnimo. Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya” ayuu yiri Daahir Geelle.

Wuxuu Qoraalkiisa uu kusoo gaba-gabeeyay Sheekh Daahir Maxamuud Geelle “Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw ii garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay.Waxaan xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorrinayaa uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay”.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa mar soo noqday Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, isagoona kamid ahaa Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha, kana tirsanaa Midowga Musharaxiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor