Musharax Cabdullaahi Sh Xasan oo ka tanaasulay wareega 2-aad ee Doorashada Aqalka Sare

Waxaa goordhow Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu soo gaba-gabeeyay wareega koowaad ee doorashada kursigii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto deegaanada Maamulkaas.

Doorashada kursiga koowaad ee Senatorada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamay Afar Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axamed Xuseen Caddow Daaci iyo Dr. Xasan Caddey Cali.

Wareega koowaad ee doorashada Musharax Muuse Suudi Yalaxow ayaa helay 51 Cod, Musharax Cabdullaahi Sheekh ayaa helay 15 Cod, Axmed Xuseen Daaci ayaa helay 28 Cod, halka Dr. Xasan Caddey ayaa isna helay 2 Cod, waxaana halaabay 2 Cod.

Wareega labaad ayaa waxaa u gudbay saddex Musharax oo kala ah Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan iyo Axmed Xuseen Caddow Daaci, hayeeshee Musharax Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka tanaasulay u tartanka wareega labaad.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa ku dhawaaqay in wareega saddexaad ay u gudbeen Musharaxiinta kala ah Muuse Suudi Yalaxow iyo Axmed Daaci.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor