Murashixiin u taagan Xilka Madaxweynaha iyo M/Ku xigeenka Hir-Shabeelle oo la diiwaan galiyay

Guddiga Doorashada   Madaxeeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka  Hirshabelle ayaa diiwaan galiyay Murashxiinta u taagan Xilalka Madaxweynaah iyo madaxweyne ku xigeen maamulkaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada   Madaxeeynaha iyo Madaweyne Ku xigeenka DG Hirshabelle Xil.Caaisho Khaliif Xaji Maxamed ayaa Gudoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimada Murashixiinta kala ah Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utartamayo Jagada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabelle, Musharax Cali Guudlawe Xuseen oo u tartamayo Jagada Madaxweynaha iyo Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo utartamayo Jagada Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa dhawaan gali doona doorashada madaxweynaah iyo maadxweyne ku xigeenka, waxana horay loos oo dhisay baarlamaanka labaad ee maamulkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media