Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka oo Maalintii 2-aad siweyn looga Ciidayo

Maanta oo ah maalinta labaad ee Ciidul Adxaa ayaa waxaa siweyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo Ciida.

Masaajida ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa waxaa markale salaadii subax ee saakay laga maqlayay Rakbiirta Ciida, iyadoona dadka ay isku diyaarinayaan inay farxadda Ciida ku soo qaatan goobata la isugu tago.

Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaanada dalka ayaa si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa.

Shalay oo aheyd Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa ayaa goobaha lagu Tukaday Salaada Ciidul Adxa ee Muqdisho waxaa ka mid ahaa Masjidka Is-bahaysiga iyo Daarusalaam, halkaas oo ay ku sugnaayeen Kumanaan Shacab oo tukashada salaada ay kala qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda.

Kumanaan dadweyne ah ayaa shalay buux-dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho: sidda xeebta Liido, Xeebta Jasiira, Daljirka dahsoon, Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam, waxaana dadka isugu hambalyeeynayeen Ciida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor