Munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug oo Caawa dhaceysa

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka ayaa Caawa waxaa lagu wadaa inay ka dhacday Munaasabad kooban ah oo xil wareejinta Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabadda ayaa lagu qaban doonaa Xarunta Shiirkoole, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynihii Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwa Galmudug, Madaxda Cusub ee maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Munaasabadda xilka wareejinta ayaa inta ay socoto waxaa laga jeedin doonaa Khudbado looga hadlayo Arrimo kala duwan oo ku aadan siyaasada Galmudug iyo isku tanaasulka la sameeyay.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Caawa si rasmiga ah xilka Maamulka Galmudug ugu wareejin doona Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday bilowga sanadkaan Magaalada Dhuusamareeb.

Xaaf ayaa dhawaan shaaciyay inuu u tanaasulay danta iyo dhismaha Galmudug, isla markaana uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta Galmudug, uuna la shaqeyn doono maamulka Cusub.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.