Munaasabad ku aaddan 1-da Luuliyo oo lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu maamuusayey 62 guuradii kasoo wareegtay midnimada Soomaaliya iyo madax- bannaanida Gobolada Koonfureed ee 1da Luuliyo taas oo ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Munaasabadan oo aheyd mid balaarran, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa; Xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug  , Xubno ka tirsan aqalka sare ee BFS, gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Maamulka Iyo shacabka caasimadda, iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor