Munaasabad ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Galmudug oo lagu qabtay Cadaado

Mas’uuliyiinta ugu sarreysay Maamulka Galmududug ayaaa ka qayb galay munaasabad si heer-sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug.

Mas’uuliyiinta ka qaybgashay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi kaariye, madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, labada gole ee  Galmudug, maamulada gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo gudoomiyayaasha qaar ee degmooyinka Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay shacabka iyo maamulka degmada Cadaado oo soo agaasimay munaasabadda 14 Agoosto oo ku beegan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowladda Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor