Muhammadu Buhari oo ku dhawaaqay howlgal lagu soo Afjarayo burcadda ka howlgasha dalkaas

Buhari ayaa ka falcelinayey dilka ugu yaraan 43 qof oo lagu dilay suuq ku yaalla dowlad -deegaanka Goronyo ee gobolka Sokoto oo ay burcaddu falkan ka geysatay.

Bayaan uu soo saaray kaaliyihiisa warbaahinta ayaa lagu yiri “Weerarada fulaynimada ah ee ay burcaddu ku qaadday dad aan waxba galabsan waxay muujinayaan tallaabo gadaal ka ah dembiilayaasha cadaadis saaran. Laakiin ma lahaan doonaan meel ay ku dhuuntaan, ciidamadeenna amniga ee geesinimada lehna kama waantoobi doonaan gulufka hadda socda si ay uga adkaadaan cadowyadan naxariis darrada ah ee aadanaha, ”

Buhari ayaa sheegay in burcadda ay hadda cadaadis saaran yahay sababta oo ah howlgallada kaga socda dhinaca cirka iyo dhulka ee joogtada ah kuwaas oo ay ciidamada Amaanku la beegsanayaan goobaha ay ku dhuumanayaan kooxaha burcadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor