Muhaajiriin Soomaali ah oo ku xayirnaa Badda oo la qaabiley

Jasiiradda Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex go’doonsanaa markab xoolaha qaado oo nadaafaddiisa laga deyriyay.

Markabkan waxaa saarnaa muhaajiriin intooda badan ay yihiin Soomaali, waxay gaarayeen ilaa 50 qof.

Horraan, Malta waxay diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxay ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.

Balse Talaadadii Malta waxay sheegtay in Yurub ay qaabili doonto ilaa 200 oo muhaajiriin ah kaddib markii heshiis ay wada gaareen.

Isniintii, Talyaaniga wuxuu fasaxay muhaarijiin gaaraya 180 oo saarnaa markab ku go’doonsanaa xeebaha badda Mediterranean-ka, waxay muhaajirintaas ka kala socdeen dalalka Pakistaan, Eritrea iyo Nigeria, waxaana muhaajirintaas markii hore laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

Sannadkii lasoo dhaafay, In ka badan 110,000 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, waxaana halkaas ku dhintay 1,200 muhaajiriin ah, sida laga soo xigtay Ha’yadda Socdaalka Adduunka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media