Muhaajiriin ka badan boqol ruux oo ku dhimatay badda Mediterranean-ka

Hay’adda socdaalka nuhaajiriinta ee IOM ayaa sheegtay in  ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen badda  Mediterranean ,ka dib markii ay degtay doon yar oo sidday dad muhaajiriin ah oo ka badan 130-ruux.

Warbixin hey’adaasi ay soo dhigeen baraha bulshada ayaa lagu sheegay in doontaasi oo ka sameysneyd caag ay ku degtay meel Woqooyi kaga began caasimada Liibiya ee Tripoli.

Warar ayaa sheegaya inay jiraan laba doonyood oo kale oo ku dhibaataysan badda,xilli hirarka ama mowjadaha badda ay gaaraya  6-mitir .

In ka badan 350 qof ayaa la sheegayaa in sanadkan ay ku dhinteen badda Mediterranean .

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta ee IOM ayaa baaq u dirtay dowladaha si ay dib ugu daabulaan maraakiibta baadigoobka iyo badbaadinta badda Mediterranean-ka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor