Muddo kordhin loo sameeyay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qaraar muddo xileedka Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loogu kordhiyay, kadib markii ay si wadajir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha.

Muddo xileedka shaqada Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta ayaa waxaa lagu daray shan bilood, waxaana shaqada Xafiiska ay sii soconeysaa illaa 31 bisha Octoober 2022, sida 15-ka xubnood ee Golaha ku ansixiyeen qaraar tirsigiisu yahay 2632.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Xoghaye Antonio Guterres ka dalbaday inuu wadatashi la sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, si dib u eegis loogu sameeyo shaqada Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa kaloo ay Golaha ugu baaqeen inuu Golaha si joogto ah ula socodsiiyo meel marinta qaraarkan muddo krdhinta loogu sameeyay Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor