Mooshin laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntaland oo laguha la galay Xaalad ciidan

Wararka aan ka helayno Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa kusoo warramaya Ciidanka farabadan ay ka sooamba bexeen degmada kuwaasi oo la sheegay in ay kusoo wajahan yihiin  caasimadda Puntland ee Garoowe.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Ciidanku ay daacad u yihiin Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaasi oo Xildhibaanada Puntland ay ka keeneen Mooshin ballaaran, iyagoo dalbaday in uu Xilka wareejiyo, maaddama uu ku fashilmay Guddoonka Baarlamaanka puntland sida ay shaaciyeen xildhibaanadu.

Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu Ciidanka dalbaday, waxaana haatan ay kusoo wajahan yihiin Garoowe sida ay sheegayaan warar hoose oo aan helayn, iyadoo tan iyo Xalay ay socdeen kulamo iska soo horjeeda oo ku aaddan Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha.

Xildhibaanada ayaa ku kala qaybsamay Mooshinka waxaana qaar ka mid ah ay la safteen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, halka inta badan xilshibaanda ay qorsheynayaan sidii Mooshinku u hirgali lahaa xilkana lagaga tuurayo Guddoomiyaha oo ay horay uga dhawaajiyeen in uu fashilmay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media