Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wada Mooshin ka dhan ah Xildhibaano ka tirsan Puntland oo khilaaf xoogan uu maalmihii lasoo dhaafay kala dhexeeyay.
Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil ayaa Mooshinka uu wado ku doonayo inuu 8 Xildhibaan xubnnimada Baarlamaanka Puntland uga saaro, iyadoona Mooshinka ay qeyb ka yihiin Xildhibaano Guddoonka taageersan.
Lama oga ilaa iyo hadda Xildhibaanada saxiixay Mooshinka xubnnimada Baarlamaanka Puntland lagu doonayo in looga saaro Xildhibaano dhowr, kuwaasi oo la tilmaamay inuu khilaaf kala dhexeeyo Guddoomiye Jibriil.
Maalmo kahor Xildhibaano la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu Xarunta Baarlamaanka keensaday Ciidamo ay ku sheegeen inay yihiin Maleshiyaad ka amar qaata, isla markaana Guddoomiyaha kaliya u adeega.
Sidoo kale Xildhibaanada Puntland ayaa Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil ku eedeeyay inuu laba u kala qeybiyay Mudanayaasha, iyagoona ugu baaqay inuu xilka iska Caslio, kadib markii Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.
Hoos ka Akhriso Magacyada Xildhibaanada Mooshinka laga wado.
Xil. Saleebaan Faarax.
Xil. Maxamuud Maxamed Barre,
Xil. Cabdiraxmaan Dhoorre,
Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab,
Xil. Cabdi Jamaal Cismaan,
Xil. Cabdiqani Abshir Surato,
Xil. Gen. Baduugaaye,
Xil. Muuse Jajabsay.