Milliteriga Sudan oo gacanta ku dhigay Shixnad hub ah

Ciiddanka Sudan ee sida Degdega u Hawlgala ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Shixnad hub kala duwan oo la soo gelin lahaa dalkaasi.

Ciiddanka waxay sheegeen inay 2 gaari oo noocooda ahaa GMC ku qabteen Xuduudka Saddex Geesoodka ee u dhexeeya Sudan, Masar iyo Libiya.

Hubkaasi oo laga keenay dalka Libiya waxaa la qabtay,  kadib, markii ay Ciiddanka iyo Kooxdii tahriibinaysay hubka ay isku fara saareen dhulka Lama-degaanka ee Degmadda Sayf Albaarli  oo 4 KM u jira  Saddex Xagalka Xuduudka Sudan,  Masar iyo Libiya.

Eedeysanayaasha la qabtay oo afar qof ahaa ayaa waxay 2 ka mid ah u dhasheen dalka Libiya, halka Labada kalena Suudaan u dhasheen.

Hubka la qabtay waxaa ka mid ahaa Qoryaha AK47, Bam gacmeedyo, Gantaallada Garabka laga tuuro ee RBG, waxyaabaha lags farsameeyo Qaraxyada iyo hub kale.