Millatariga Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab ay ka saareen degaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

Milatariga Soomaaliya, ayaa sheegay in muddo todobaad ah oo ay hawlgal ka wadeen waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan, ee gobolka Hiiraan ay keentay in laga saaro Al-Shabaab saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa muddo ku siman afar billood fadhiyay goobo u dhaxeeya, Beledweyne iyo Matabaan, iyagoo halkaa gaadiidka uga qaadi jiray lacago badan.

Taliyaha Ciidamada Lugta ee Milatariga Soomaaliya, Janaraal Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sugan jiidda dagaalka ee gobolka Hiiraan, ayaa BBC-da u sheegay, in todobo ciidamadooda ah ay ku dhinteen dagaalka, isla markaana ay jiraan dhawaacyo soo gaaray qaar kamid ah askarta.

Janaraal Biixi ayaa waxa kale oo uu sheegay in khasaare ballaaran ay gaarsiiyeen ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa waxa kaloo laga saaray deegaanno hoos yimaadda degmada Maxaas ee isla gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor