Midowga Yurub oo kala-bar jaray Mushaaraadka Ciidanka Kenya ee ku sugan Somalia

Midowga Europe (EU) iyo Saaxibada kale waxay jareen Kala-bar Miisaaniyadda Lacageed ee Ciiddanka Kenyanka ku sugan gudaha Somalia, kadib, markii qeyb ka mid ah Ciiddankaasi si qarsoodi ah loo daad-gureeyey.

Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya, Julius Muia waxa uu shalay ka hor sheegay Kulanka Barlamaanka dalkaasi inay 4.5 Billion ee Shillinka Kenya ka heleen Hawlgalka AMISOM ee muddada 12-ka bilood ee ilaa bishii June ee sanadkii 2019-kii.

Waxa uu intaasi ku daray inay taasi ka hor imaanayso Hiigsigii laga sugayey inay AMISOM bixiyaan oo dhamayd 8.5 Billion oo Shillinka Kenya.

Dhimista Lacagtaasi ayuu tilmaamay inay xiriir la leedahay kala-bixitaankii Ciidankii Kenya ee loo daad-gureeyey Somalia sanadkii 2007-dii, si ay Dowladda Somalia ee ay QM taageerto kaga difaaci lahaayeen Alshbaab, ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya, Julius Muia.

Warbixinta uu siiyey Barlamaanka dalkaasi waxa kale oo uu ku xusay in Lacagta ay ka heleen AMISOM asaas looga dhigay Tirada Ciiddanka Kenya ee haatan ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, 28-ka Waddan ee xubnaha ka ah Ururka Midowga Europe (EU), waa Qaaraan-bixiyayaasha ugu ballaaran ee Maalgelinta la garab taagan Ciiddanka AMISOM, iyadoo Dhaqaalaha loo soo marsiiyo Golaha Tas-hiilaadka Nabadda Afrika.

Beesha Caalamka waxay Askari kasta oo ka tirsan Hawlgalka AMISOM mushaar ahaan bil kastaba u siiyaan lacag dhan Kun iyo Labaatan iyo Siddeed Dollar ($1,028).

Dowladaha ay Ciiddanka ku biiriyey AMISOM waxay iyagana mid kasta oo Askartooda ka mid ah mushaarkiisa ka jartaan 200 Dollar, iyadoo Askari kasta bishiiba u soo harayso lacag dhan 800 oo Dollar.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Midowga Afrika ee AU waxay doonayaan in dhamaan Ciiddamada AMISOM laga wada daad-gureeyo Somalia marka la gaaro bisha December ee sanadkan, balse, Kenya waxay doonaysaa in dib loo dhigo Bixitaankaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor