Midowga Yurub oo diiday in looga soo dhoofo Dalal waa-weyn

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo muwadiniintooda loo arko inay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka bilawdo kowda luulyo, iyadoo uu jiro cudurka coronavirus. Maraykanka ,Brazil, iyo shiinaha ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay inay booqdan yurub.

Dalalka la ogolaaday waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo kuuriyadda koonfureed.

Midowga Yurub waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Shiinaha ay ku daraan liiska haddii shiinaha ay heshiis kaas la mid ah ay u ogolaadan dadka Yurub, diblumaasiyiinta ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamila muwadiniinta UK kadib markii dalkaasi ka baxay yurub.

Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media