Midowga Yurub oo Cunaqabateyn saaray 11 Sarkaal oo ku lug lahaa Afgembi

Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn saaray 11 Sarkaal oo lala xiriirinayo iney ka danbeeyeen afgambigii ka dhacay dalka Myanmar bishii Febraayo ee lasoo dhaafay.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in tillaabo adag laga qaadi doono saraakiishii sameysay afgenbigii Myanmar sidoo kalena caburin ku sameeyay mudaaharadayaasha kasoo horjeeda xukunka ciidamada dalkaas

Midowga Yurub ayaa sheegay bilowgii bishaan Maarso inay qorsheynayaan in cunaqabateyn la saarayo hoggaamiyaasha ciidmada  ee  ka qeyb qaatay afgenbiga Myanmar.

Ciidamada Myanmar ayaa afgembiyay dowladdii rayidka bilaawgii February ee sanadkaan, waxeyna ku dhawaaqeen hal sano oo xaalad deg deg ah, iyagoo ku eedeeyay xukuumaddii dalkaas inay ku shubatay doorashadii dalkaas ka dhacaday.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor