Midowga Yurub oo balan qaad Cusub u sameeyay Dowladda Somalia

Ku-simaha Agaasimaha guud Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xuseen, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socotay Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay La-taliyaha sare ee ilaalada xeebaha.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu lafa guro qorshihii wax qabad ee 2020-ka wixii ka hirgalay, caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray qorshaha 2021-ka iyo sidii la iskaga kaashan lahaa fulintooda.

Saraakiisha ka soctay Xafiiska Midowga Yurub ayaa ugu dambeentii ka mahadceliyay soo dhaweenta ay Wasaaraddu u sameeysay, iyagoo balan qaaday in ay sii adkeen doonaan wadashaqaynta Wasaaradda Amniga sidoo kale ay sii joogteyn doona tababaridda, qalabeynta iyo dhismaha ciidamada ilaalada xeebaha si looga hor tago falalka danbiga ee ka dhaca badaha.

Kulanka kaddib Agaasimaha amniga xeebaha  Wasaaradda amniga Cali Cosoble Cali oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee wafdiga ka socday Midowga Yurub kala hadleen ay ugu horreyso xoojinta iskaashiga ka dhexeysa Wasaaradda Amniga iyo Midowga Yurub.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media