Midowga Musharrixiinta oo dalabyo adag hordhigey Golaha Wadatashiga Qaran

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa dalbyo aad u culus oo ku aaddan doorashooyinka dalka, gaar ahaan kuraastii horay loo doortay waxaa ay hor dhigeen Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho shirku uga socdo, waxaana sidoo kale ay soo jeediyeen sixitaanka habraaca, hufnaanta iyo daah furnaanta doorashooyinka.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in dib loogu laabto dhammaan kuraasta doorashadooda lagu muransan yahay, lana buriyo go’aankii ay gaareen Guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor