Midowga Musharixiinta oo kulan ay yeesheen kasoo saaray afar qodob oo xasaasi ah

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa kulan ay maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho waxaa ay kasoo saareen qodobbo dhowr ah oo ay kaga hadleen, arrimaha taagan ee ku aaddan xaaladaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha taagan ee hadda muranku ka jiro.

Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray afar qodob oo la xariira doorashada dalka ka dhacays, waxaana qodobada ka mid ahaa in daaha iyo dib u dhaca ku yimid doorashada uu mas’uul ka yahay Madaxweyne farmaajo, taasi oo ay sheegeen in ay tahay mid aan waafaqsanayn nidaamka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale Qodobada ka mid ahaa in Golaha Midowga Musharixiintaay u taagan yihiin sidii dalkaan kaga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, oo dhammaan dhinacyada doorashooyinka dalka ay ku qanacsan yihiin.

Waxaa kale oo ka mid ahaa Qodobadii ay maanta ka wada hadleen Golaha Midowga Musharixiinta sidii Musharixiintu ay cabashadooda iyo tabashooyinka ay ka qabaan heshiiskii dhawaan Muqdisho lagu kal saxiixday ay ugu gudbin lahaayeen Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada, oo ay sheegeen in ay wada haddallo u socdaan, oo ay doonayaan in wada xaajoodyo ku aaddan doorashooyinka lala furo Golaha Midowga Musharixiint.

Qodobka ugu dambeeya ee Golaha Midowga Musharixiinta ay kasoo saareen kulankoodii maanta ayaa ah in Goluhu uu shir la yeesho Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kulankaasi oo si gaar ah loogu lafa guri doono tabashooyinka iyo waxyaabaha ay Musharixiintu ka tabanayaan dhanka Xukuumadda oo iyada lagu wareejiyay arrimaha doorashooyinka, sidoo kalena RW Rooble ayaa horay u sheegayn in xafiiskiisu u furan yahay cid waliba oo tabasho qabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor