Midowga Musharaxiinta “Waa in dib looga laabto Go’aanadii ay gaareen Guddiga Khilaafaadka”

Midowga Musharraxiinta ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu xilka kaga qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble, xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada, si loo xaqiijiyo hufnaanta doorashooyinka, loogana fogaado wax kasta oo keeni kara cadaalad darro.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Isbedelka laga sameeyay Guddiga Khilaafaadka uu hordhac u yahay soo celinta kalsoonida shacabka, isla markaana dib looga laabto Go’aanadii ay horey Guddiga u gaareen.

Sidoo kale Golaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ku dhiira-geliyay inuu wado kasta oo sharci darro u maro suulinta caqabadaha dhiman ee weli ku hor gudban doorashada Golaha Shacabka, si dalka uga dhacdo doorasho hufnaan leh.

Goluhu ayaa sheegay inay garab istaagayaan tallaabo kasta oo lagu saxayo geedi- socodka doorashada, si loo helo caddaalad, isla markaana dib looga laabto go’aannadii Guddiga ay hore u gaareen, lana qabto dacwooyinka laga soo gudbiyey kuraasta kale.

Hoos ka Akhriso War-sxaafadeedka ay soo saareen Musharaxiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor