Midowga Musharaxiinta oo Maanta u bilowday Wejiga labaad ee Shirka badbaadada dalka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa haatan Shir gaar ah uga socdaa Hotelka Jasiira ee Magaalada MuqdishO, kaasi oo uga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo  doorashada dalka ka socoto oo siweyn u dhaliilasan yihiin.

Ilo ku dhow Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in Shirka u socda Golaha uu yahay Wejiga labaad ee shirar maalmihii lasoo dhaafay ku yeelanayeen Muqdisho, waxaana wejiga hore ee shirarka la qaateen Bulshada Rayidka iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan wejiga labaad ayay Midowga uga hadlayaan qaab dhismeedka Gole cusub oo ay yeelan doonaan, iyagoo qorsheynaya inay bilaabaan kacdoon la mid ah midkii Badbaado Qaran oo kale ee looga hortagay muddo kororsigii labada sano ahaa..

Golaha ayaa dhawaan sheegay in waxa ka socda dalka aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgalyo la’aan, iyagoona xusay in aysan aqbali doonin boobka doorashada Golaha Shacabka

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa caddeeyay inay sii wadi doonaan kulamada Wadatashiga ah oo ay la yeelanayaan Bulshada qeybaheeda kala duwan, si loo helo xal qaran dalka looga samatabixiyo halista kusoo food leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor