Midowga Musharaxiinta oo ku biiray Shirka u socda Maamul Goboleedyada

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Goordhow ku biiray Shirka gaarka ah ee Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda hotel ku dhex yaalla Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Cakiran ee siyaasadda dalka, marxaladihii ugu dambeeyay iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya aan weli heshiis laga gaarin.

Midowga Musharaxiinta ayaa Madaxda kala hadlaya sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ka taagan doorashada, isla markaana loo qaban lahaa doorasho heshiis lagu wada yahay oo si nabad ah ku dhacda.

Sidoo kale Shirka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga arrinsanayaan furitaanka Ajendaha Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Madaxda maamulada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ku yeeshay kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa Shirka u furmay, iyagoonka siweyn uga hadlaya khilaafka ka taagan doorashada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor