Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qaabka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kadib markii Maanta oo khamiis ah ay kulan ku yeesheen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Afhayeenka Midowga Musharaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka digayaan in sidaan kusii socoto doorashada Golaha Shacabka oo uu sheegay inay tahay qaab boob doorasho ah..
Waxaa uu sheegay Daahir Geelle in qaabka ay doorashada ku bilaabatay laga dhexli doono qallalaase siyaasadeed, dagaal iyo dalka oo gaara meel xun, wuxuuna intaas kusii daray inay doonayaan in wax la qabto arrintaan.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in Midowga Musharaxiinta oo kaashanayey Bulshada Soomaaliyeed ay is hor istaag ku sameeyeen in dalka uu aado muddo kororsi sharci darro, isagoona sheegay in wax aan horey loo arag doorasho ay socoto.
Ugu dambeyn Afhayeen Daahir Maxaamuud Geelle ayaa Carabka ku dhuftay in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan kulamo wadatashi ah diirada lagu saari doono samata bixinta Bulshada Soomaaliyeed ee hannaanka boobka ah ee ku socoto Doorashada.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin doorasho aan Jadwalka sax ah laheyn, iyagoona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u jeediyay eedeeyn kulul.