Midowga Musharaxiinta iyo Guddiga Doorashooyinka DF oo kulan u socda

Waxaa maalintii labaad galay Shirka Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya uga socda Hotelka Jazeera ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo shalay furmay.

Shirka Golaha Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka, doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday dowlad Goboleedyada iyo doorashada soo socoto ee Golaha Shacabka.

Midowga Musharaxiinta ayaa haatan waxaa ay kulan gaar ah la leeyihiin Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Ciro iyo ay wehlinayaan xubna kale oo guddiga ka tirsan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Midowga ay Guddiga doorashooyinka heer Federaal kala hadlayaan Arrimaha doorashooyinka gaar ahaan kuwa Aqalka Sare ee ka dhacay dowlad Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta Soomaaliya ayaa yaa walaac ka muujiyay hannaanka doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug, inkastoo inta badan Musharaxiinta soo dhoweeyeen Senatarada la doortay.

Shirka u socda Midowga Musharaxiinta ayaa sida uu qorshahu yahay lasoo gaba-gabeyn doonaa maalinta Isniinta, isla markaana laga soo saari doono Shirka War-murtiyeed ku saabsan mowqifka Golaha ee doorashooyinkii Aqalka Sare ee dhacay iyo kuwa Golaha Shacabka ee soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor