Midowga Afrika oo war kasoo saaray qaraxyadii ka dhacay Kampala

Ururka Midowga Afrika ayaa si adag u canbaareeyay labadii qarax ee shalay lala beegsaday caasimadda Uganda ee Kampala.

Guddoomiyaha Miodwaga Afrika, Muuse faki ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday weeraradii argagixisanimo ee ka dhacay Kampala, wuxuuna sidoo kale u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay caafimaad deg-deg ah.

Muuse Faki ayaa intaas ku daray in Midowga Afrika garab taaganyahay dowladda iyo shacabaka Uganda.

Booliska dalka Uganada ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen labada qarax oo ay ku jiraan Seddex qof oo u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor