Midowga Afrika oo War kasoo saaray Khilaafka xoogan ee Farmaajo iyo RW Rooble

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ka hadlay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiye Moussa Faki ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ugu baaqay in khilaafkooda oo salka ku haaya Arrimaha doorashada dalka, ku dhammeeyaan wada-hadal, isla markaana is xakameeyaan labada dhinac, si loo dejiyo xiisada.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay inay muhiim tahay inay isku yimaadaan oo la sameeyo isku tanaasul, si loo xal buuxa looga khilaafka xoogan ee xiligaan ka dhexeeya labada dhinac.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa cirka isku shareeray, kadib markii Farmaajo qaatay Go’aan uu shaqada uga joojiyay Rooble, sidoo kalena Xukuumadda sheegtay in Madaxweynaha uu sameeyay Afgembi lagu doonayay in lagu qabsado Xafiiska Rooble iyo Xafiisyada Golaha Wasiirada.

Si kastaba, Wakiilada Beesha Caalamka ayaa taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoona Madaxweyne Farmaajo ku booriyay inuu taageero Shirka uu ku baaqay Rooble ee looga hadlayo sixida doorashada iyo dardar-gelinteeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor