Waxaa haatan kulan ay albaabada u xiran yihiin leh magaalada Jabuuti ku leh madaxda urur goboleedka IGAD, halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool u ah dadka gobolka.
Shirka waxa uu imanayaa xilli Soomaaliya ay xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedaysay inay faragelinaysa arrimaha gudaha ee Soomaaliya. Kenya eeddaasi gaashaanka ayey u daruurtay.
Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirkaas ka hadashay ayaa soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale Guddoomiye Afrika Moussa Faki ayaa walaac ka muujiyay xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ee sababay inuu burburo xiriirka labada dal ee deriska ah, waxaana ugu baaqay labada dhibac inay bilaabaan wada hadal.
“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taas oo sababay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codaso urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiirigeliyeen.” Ayuu yiri Moussa.
Kulanka u socda Madaxda IGAD ayaa waxaa labada dal uga qeybgalaya Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo arrimaha diiradda shirkaas lagu saari doonaan ay k amid tahay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dal.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya khilaadf xoogan, kadib markii dowladda ay gebi ahaan xiriirka u jartay Kenya oo ay ku eedeeysay inay faragelin siyaasadeed ku waddo arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland.