Midowga Afrika oo ka hadlay la wareegista Degmada Aadan Yabaal

Howlgalka Midowga Afrika ayaa ka hadlay qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe, taasi oo dhawaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa dadka degaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab,  oo muddo dheer xarun ay u ahayd Aadan yabaal.

Qoraal kasoo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu bogaadiyay la wareegista Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen degmadaasi, waxaana bayaanka sidoo kale lagu sheegay in Howgalka Midowga Afrika ay kaalintooda ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.

Idowladda Soomaaliya shaacisay in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay Al-shababa kala wareegeen degmada Aadan Yabaal waxaana degmadaas iyo degaaanada kale eek u xeran ay muhim u ahaayeen Al-Shabaab oo in muddoo ah ka talinyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor