Mid kamid ah Maamul Goboleedyada oo Digniin kasoo saaray Cudurka COVID-19

Wasiirka Wasaarada Caafmaadka dowlad Goballeedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed oo Maanta sabti ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 oo maalmihii lasoo dhaafay ku laba kacleeyay degaanada Maamulkaas.

Wasiir Cabdi Macalin oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu sheegay in Xanuunka COVID-19 uu ku fidayo deegaano ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday deegaanka Far-Libaax oo ah halka ugu daran ee Caronaha dad badan kusoo riday qaarna ay ugu geeriyoodeenm inkastoo tirakoob rasmi ah Wasaaradda aysan soo gudbin oo ay sheegtay in baaritaano dheeraad ah ay wado.

Sidoo kale, Wasiirka caafimaadka maamulka Hirshabeelle Cabdi Macalin Muxumed ayaa Bulshada uga digay inay ka taxadiraan COVID-19 oo markale kusoo laabtay dalka, isla markaana waxaa uu shacabka ugu baaqay in taxadar dheeraad ah la muujiyo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Far-Libaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Cudurka halista ah ee COVID-19 ugu geeriyooday dhowr qof oo kamid ahaa dadka deegaanka, halka dad kalena uu ku dhacay oo ay la jiifaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor