Mid kamid ah Maamul Goboleedyada dalka oo la keenayo tallaalka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in todobaadka dambe tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19 soo gaari doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa waxaa uu sheegay in tallaalka Cudurka COVID-19 ee la keenayo Garoowe uu yahay mid loogu tala-galay in la siiyo in ka badan 300,000 oo qof.

Agaasime Cabdirisaaq Xirsi ayaa tilmaamay in tallaalka uu ku diyaarsan yahay Magaalada Nairobi oo todobaadka dambe lasoo gaarsiin doono Caasimadda Puntland, isla markaana tallaalka uu yahay mid muhiim u ah bulshada.

Sida uu qorshahu yahay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa la filayaa inay noqoto halka horraysa ee la keeno tallaalka COVID-19 ee guud ahaan dalkaSoomaaliya.

Tan iyo markii uu Cudurka halista ah ee COVID-19 mar labaad kusoo laba kacleeyay ayaa waxaa Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ay diiwaan-gelisay kumamaam kiisas ah, ayna jiraan boqolaal dad ah oo u geeriyooday Cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor