Mid kamid ah M/Goboleedyada oo laga helay kiisaskii ugu badnaa COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan-geliyay 280 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa lagu caddeeyay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir  96 qof, Somaliland 27, Koonfur Galbeed 14, Puntland 133 iyo Jubbaland 10 qof, waxaana 177 kamid ah dadka bukaanada ay yihiin rag, halka 103 kalena  ay dumar yihiin.

Wasaaradda ayaa xaqijisay in Cudurka halista ah ee COVID-19 ay saacadihii lasoo dhaafay Gobolka Banaadir ugu dhinteen 3 qof, Puntland 2 qof, Koonfur Galbeed, 2 qof iyo Somaliland 1 qof, kuwaasi oo kamid ahaa dadkii qabay Cudurka.

Sidoo Warbixinta maalinlaha ah ee xogta Cudurka ayaa waxaa lagu sheegay in 36 ruux oo kamid ahaa dadkii horey ugu dhacay ay ka bogsadeen, waxaana Tirada dadka ka bogsaday Cudurka ay gaareen 3,968.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 8,321 qof, isla markaana waxaa guud ahaan dalka ugu dhintay Cudurka COVID-19 302, iyadoo Cudurka uu u muuqdo mid si weyn ugu faafaya Magaalada Muqdisho.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka ee xilka sii-heysa waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor