Mid kamid ah M/Goboleedyada oo diyaariyay Dad la dagaalama Ayaxa

Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Galmudug oo kaashanaysa Wasaarada Beeraha iyo Xanaanada Xoolaga dowladda dhexe ayaa Tababar u soo xirtay Kooxo loogu talagalay la dagaalanka Ayaxa oo Dhowaan yimid Deegaano ka tirsan Galmudug haddana dhibaato ku haya Dalagyada Beeraha iyo Daaqsinka, waxaana sidoo kale Wasaaradu soo bandhigtay qalabkii lagula dagaalami lahaa Ayaxa.

Agaasimaha guud ee wasaarada beeraha iyo xanaanada Xoolaha Galmudug Dr. Saleebaan Maxamed Saalax oo ka waramay Howshaan wasaaradu qabanayso ayaa xusay in Kooxahaan loo soo xiray Tababarka loo kala diri doono deegaanada Ayaxu ku habsaday.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaarada Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Nuur Yuusuf Nuur ayaa dhankiisa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaalanka Ayaxa iyo sidii lagu heli lahaa agabyada lagula dagaalamayo.

Ayaxa ayaa Sanadkii hore waxa uu halakeeyey dalagyo fara badan  iyo Dhul daaqsimeed aad u baaxad wayn wuxuuna Saamayn ku yeeshay deegaano badan oo Dalka ka tirsan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media