Mid kamid ah M/Goboleedyada oo Baaq Deg-deg u diray Dowladda

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saartay amaro looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudah Soomaaliya, lana diiwaan-geliyay kiisas badan.

Magaalada Baydhabo ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa kulan looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee deegaanada Koonfur Galbeed ku yeeshay Guddiga la socodka xaaladaha Cudurka ee Maamulkaas.

Guddiga ayaa soo saaray amaro cusub oo lagu xakameynayo Cudurka Coronavirus, waxaana kamid ah in bulshada Koonfur Galbeed ay xirtaan Afsaarka (Face mask), isla markaana qofkii aan xiran lagu Ganaaxi doono lacag dhan 5 Dollar.

Sidoo kale Guddiga amar ku bixiyay in aan la jiifan karin Masaajidyada lana keeni karin Janaasada qofka u dhinta Cudurka halista ah ee Coronavirus, sidoo kalena ay mamnuuc ahay  dhamaan kulumada, sida xafladaha iyo Shirarka.

Maamulka ayaa amarada uu soo rogay ayaa waxaa ku jira in qof kasta oo u dhinta Cudurka duugistiisa looga dambeynayo Wasaarada Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed iyo in qofkii isaga shakiya Cudurka uu tego Xarun Caafimaad.

Ugu dambeyn Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Federaalka iyo Hay’addaha Caalamiga ka codsaday inay agabyo looga hortego Cudurka si deg deg ah ula soo gaaraan Koonfur Galbeed.