Kooxdii Badda ku tuurtay Muwaadin Soomaali oo Dacwad lagu soo oogay

Maxkamad ku taalla magaalladda Goza ee Jesiiradda Malta waxaa la soo taagay Nin ku eedeysnaa inuu garaacay Muwaadin Soomaali ah, kadibna ku tuuray Badda Dekedda Magar.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Deeliyan Mifsud oo 31-jir ah waxa lagu soo oogay Isku-dayid dhaawacyo Khatar ah,  Inuu burbur u geystay Telefoonkii uu Muwaadinka Soomaalida watay oo noociisu ahaa Apple IPhone, Carqaladaynta Nabadda Dadweynaha iyo doorkii uu ku laha qalalaasihii bishan July 18-dii waxyeelladda loogu geystay Muwadin Soomaali ah.

Dacwad-oogihii Kiiskaasi oo lagu magacaabo Josef Gauji waxa uu Maxkamadda u soo gudbiyey Muuqaalka Weeraarkaasi iyo sida ay Boliska ugu suurto-gashay inay Eedeysanaha soo qabtaan, kadib, markii la daawaday Muuqaalka Arxan-darada lahaa.

Qareenka Eedeysanaha oo lagu magacaabo Jean Paul Grech waxa uu Fadhigii Maxkamadda ka hor sheegay inaaysan wax Cunusuriyad ka dambeeyeen Eedeymahaasi. 

Dhinaca kale, Garsooraha Xeer-beegtida Maxkamadda oo lagu magacaabo Simone Grech waxa uu ka biyo diiday in Eedeysanaha lagu sii daayo damiin, isagoo amray in Xabsiga lagu sii hayo.

Dhacdada Ninka Soomaaliga loogu geystay Jirdilka waxa uu Bulshadda Malta ku reebay saamayn xooggan, iyadoo ay Koox Dad ah farageliyeen Tacadigaasi, iyagoo taageeray Muwaadinka Soomaaliyeed oo loola dhaqmayey sidii Eey oo kale.

Qoraal uu Qof Goobjooge ka ahaa Dhacdadaasi  soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu tilmaamay in koox ka koobnayd 15 qof ah ay ku lug lahaayeen Jir-dilka arxan darada ee Muwaadinka Soomaalida loo geystay, iyadoo Eedeysanaha la soo maxkamaadeeyey uu ahaa shaqsigii hormuudka ka ahaa weerarkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor