Mid kamid ah Ilaalada gaarka ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la dilay

Faah faahino ayaa kasoo baxaya mid kamid ah Ciidanka Ilaalada dharcadka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo lagu dilay qeyb kamid ah degmada Xamar-jajab ee Gobolka.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu rasaas ku furay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolkaan Banaadir.

Marxuum Xuseen Abuukar ayaa xiligii la dilayay waxaa uu marayay afaafka hore ee Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday rasaas uu ku furay Askari Booliska ee dowladda Federaalka.

Ciidamo Boolis ayaa goobta uu falku ka dhacay ka qaaday Meydka Maruum Xuseen Abuukar Nuur, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish oo uu uga hadlayo dilka loo geystay mid kamid ah ilaaladiisa.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka Askarta ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda ay u geysanayaan dadka shacabka iyo Ciidanka kale ee isla dowladda ka tirsan, mana jiro wax laamaha ammaanka ka qabtaan dilalkaan sii kordhaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor