Mid kamid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la dilay

Mid kamid ah Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa habeenimadii xalay aheyd lagu dilay gudaha degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Ninka Ergeyga ahaa ee la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Maxamed Aadan, waxaana toogtay rag ku hubeysnaa Bastoolado, xili uu ku sugnaa xaafad ka tirsan Warta-nabadda, iyadoo goobta ay ka baxsadeen dadkii ka dambeeyay falkaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayey ku sheegteen mas’uuliyada dilka loo geystay Ismaaciil Maxamed oo kamid ahaa Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa horey gudaha Magaalada Muqdisho ugu dilay Ergooyin soo xulay Baarlamaanka dowladda, waxaana dilkaas xalay ka dhacay degmada Warta-nabadda uu kamid noqonayaa dilal qorsheysanm oo horey uga dhaca Caasimadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor