Faah faahin: Mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa kooxo hubeysan oo saacadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho  gaar ahaan Isgoyska Sanca ku dilay Nin la sheegay inuu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Ninka ay dabley hubeysan oo watay bastoolado ay ku dileen Isgoyska Sanca, xilli uu halkaas ku sugnaa, isla markaana waxaa uu u dhintay dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ninka la dilay ee kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Maxamuud, waxaana goobta uu falka ka dhacay ka baxsaday dadkii ka dambeeyay falkaas.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey dilal qorsheysan loogu geystay ergooyin soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana dilalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor