Mid kamid ah ergadii Doorashadii Golaha Shacabka oo Caawa lagu dilay Baladweyne

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay ku dileen Nin kamid ahaa Ergadii dooratay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee kasoo baxay Magaaalaas.

Dabley hubeysan ayaa Ninkaas oo kamid ahaa ergada kursiga Golaha Shacabka Hop-58 waxaa ay ku dishay xaafadda Xaawo Taako ee Baladweyne, wuxuuna Ninka u geeriyooday rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay, sida la sheegay.

Marxuunka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Muxumed Geedi, isla markaana waxaa goobta uu falku ka dhacay  ka baxsaday raggii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilkaas khaarijinta ah ee Caawa ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Ciidamada ammaanka Magaalada iyo qaar kamid ah xubnaha qoyska Marxuumka ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka, mana jirto cid laamaha amniga u soo qabteen dilka.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa kal hore ka dhacay dilal qorsheysan iyo weeraro khasaaro dhaliyey, waxaana inta badan falalkaas dhacay mas’uuliyadooda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor